Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dib loo furayo Duulimaadyada caalamiga iyo Goobaha waxbarashada Dalka.

878

Sii hayaha Wasiirka Wafaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) sheegay in iyadoo la qafiifinayo xayiradaaha dalka ee loo hakiyay xakameynta cudurka safmarka ee covid-19 dib loo furayo duulimaadyada caalamiga sedexda bisha soo socota si loo soo celiyo illaha dhaqaalaha maadaama saameyn ku yeeshey Cudurka.

Wasiir Maareeye sido kale waxa uu sheegay in dib loo furi doonaa 15 bisha soo socota goobaha waxbarashada sida jaamacadaha iyo dugsida ooh ore loogu hakiyay sido loogu hortaggi lahaa loona xakameyn lahaa Karoona Feyruska.

Golaha wasiiradda waxa ay ansixiyeen in sedexda bisha soo socoto dib loo furo Duulimaadyada caalamiga ah sidoo kale goobaha waxbarashada dib loo furi doono 15 Bisha soo socota maadaama uu dalka ka sii yaraanayo cudurka Covid-19 hase ahaatee Wali loo baahanyahay in fijignaan dheere ah la muujiyo ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka warfaafinta.

Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulanka qamiislaha ee golaha ay ku yeesheen magaalada muqdisho ku ansixiyay qodoba dhowr ah ee uu ka mid ahaa in dib loo furi goobaha waxbarashada iyo duulimaadyada gudaha dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa 19-kii bishii marso ee sanadkaan hakisay duulimaadyada caalamiga ah kaddib markii dalka laga helay kiisas cudurka covid-19.