Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyay Baarlamaanka JFS Wadahadalladii Dhuusamareeb

1280

Muqdisho, Ogosto 15, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan wada hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada sida ay uga ajiibeen qabsoomidda kulankan aan caadiga ahayn, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in laga miro dhaliyo wadatashiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo salka ku haya heshiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, kaas oo qeexaya qabsoomidda doorasho ku saleysan hannaanka dimuqraadiyadda dhammeystiran.

“Horey ayuu u dhacay heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, sanadkii 2018-kii Shirkii Baydhabo, kaddib markii guddi ka socda Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay muddo soo diyaarinayeen, Shirarkii London iyo kii Brussels sidaas oo kale waxaa la isku raacay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, halka aad idinkuna ansixiseen sharcigii hagi lahaa doorashadaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu dib ugu soo celin doono heshiis walba oo lala gaaro Madaxda Dowlad Goboleedyada si ay kaalintooda dastuuriga ah uga gutaan.
“Waxaa lagama maarmaan ah in Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyaduba ay mar walba wada hadlaan, wada tashadaan, is qanciyaan, lana yimaaddaan qorsheyaal iyo go’aamo siyaasadeed oo awoodda dib ugu celinaya shacabka Soomaaliyeed ee aad idinka matashaan, taas oo sii xoojinaysa in Golahani uu noqdo marjicii arrimaha masiiriga ah ee dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Baarlamaanka 10-aad ee dalka shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen muddadii uu socday Kalfadhiga 7-aad iyo hawlaha baaxadda leh ee ay suurta galiyeen oo ay ugu horreeyaan Shuruucda hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya sida Sharciga Doorashooyinka dalka.

DHAMMAAD