Ururrada Bulshadda oo ka hor yimid Magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka

1070

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Tahliil Shaatax waxa uu sharci-daro ku tilmaamay Tallaabadii ay Xukuumadda Federalka ee aan kalsoonida ka haysanin Barlamaanka Federalka ku soo magacaabeen Guddiga Adeegga Garsoorka dalka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

War-saxafaadeed ay Isutagga Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed soo saareen waxay ugu baaqeen Xukuumadda haatan inay Xukuumadda soo socota u dhaafaan magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka dalka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha kale.

Waa markii ugu horeysay oo ururrada soo saaraan qoraal noocaan ah isla markaana u muuqda mid ay ku faragelineyso howlaha horyaala dowladda dhexe ee federaalka ee wakhtigu ka sii dhacayo.