Xildh. Jeesow: “Waxaan aaminsanahay dhibaatooyinka galmada iyo waxa la midka ah shareecada Islaamka ayaa qeexeysa”

1739

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha aqalka hoose ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ganafka ku dhuftay ajande maalintii shalay la hor geeyay kaldhiga golaha Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in degaanada Puntland uu ka dhacay tacadi loo geystay gabar da’ yar, kaasi oo ahaa kiiskii ugu weynaa ee ka dhaca dalka gudihiisa, wuxuuna tilmaamay in eedeysanayaashii falkaasi ka dambeeyay la hor geeyay maxkamad.

“Waxaan aaminsanahay dhibaatooyinka galmada iyo waxa la midka ah ay ku qeexan tahay shareecada Islaamka” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay isagoo gacanta ku haya buug uu ku qoran yahay dastuurka dalka inuu isna si cad u muujinayo qodobkiisa 3-aad.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in sharcigaan la doonayo in mashruuc laga dhigto oo lagu baabi’inayo sharafta ummadda Soomaaliyeed.

Ilaa iyo iminka lama shaacin cida ka dambeysa sharcigaan gilgilay golaha Baarlamaanka isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka anfariireen tiiyoo uu ku soo beegmay xilli dalka uu wajahayo kala guur loona diyaar garoobayo doorasho heshiis lagu hayay.