Cumar Filish: “Tallaalka waxaan uga shaqeyn doonaa heer gobol iyo heer federaal”

1488

Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga daah furay ololaha tallaalka jadeecada, waxaana munaasabadda furitaanka ololahaasi ka soo qeyb galay madax ka tirsan dowladda Federaalka, halkaasi oo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ka jeediyay khudbad furitaan ah.

Ololaha tallaalka cudurka jadeecada ee ku dhaca ilmaha ka yar 5-ta sano, ayaa loogu talo galay in laga hirgeliyo gobolka Banaadir iyo guud ahaan gobolada dalka oo dhan.

Munaasabadda daah furka ololaha tallaalka cudurka jadeecada waxaa ka soo qeyb galay madax iyo saraakiil caafimaad, wuxuuna guddoomiye Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) halkaasi ka sheegay in maamulkiisu ka shaqeynayo sidii loogu baahin lahaa dalka oo dhan.

“Tallaalka waxaan uga shaqeyn doonaa heer gobol iyo heer federaal” ayuu yiri Cumar Filish oo sheegay in ujeedada loo tallaalayo caruurta aanay fahamsaneyn dadka qaarkiis, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in caruurta laga tallaalayo jadeecada uu jirkoodu yeelanayo difaac kahortegaya cudurka jadeecada oo inta badan caruurta u geeriyoodaan amaba uu naafeeyo jirkooda qeybo ka mid ah.