Kudladda musharaxiinta madaxweynaha oo dalbaday inay dalka ka dhacdo doorasho ka madax bannaan faragelin shisheeye

764

Kudladda musharaxiinta madaxweyne ee dhexdhexaadka ah ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay si kulul uga hadleen shaqaaqadii Jimcihii aynu soo dhaafnay ka dhacday Muqdisho, iyagoona cambaareeyay is hor istaagii dowladdu ku sameysay bannaanbax ka dhacday isgoyska Km4 iyo agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Afhayeenka kudladda musharaxiinta madaxweynaha ee dhexdhexaadka ah Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka garowdo oo ay jidka u furto xoriyatul qowlka, wuxuuna tilmaamay in dowladdu aanay tallaabadaasi caqabad ku noqon.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday dadku waa soo wada eegayaan, marka ha ogaado wadada uu hadda marayo inaanay sax ahayn oo wixii looga fadhiyay ama laga maleynayay aysan ahayn” ayuu yiri afhayeenka kudladda oo sheegay in maanta doorashadii la filayay ay noqotay ila meereyso.

Cali Maxamed Nuux ayaa ku baaqay in la soo dedejiyo doorashada iyadoo aanay jirin wax faragelin ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan musharaxiinta iyo shacabka u cuntameynin, isla markaana la ogolaado wadahadalka iyo tanaasulka.

Dhinaca kale guddoomiyaha kudladda musharaxiinta madaxweynaha ee dhexdhexaadka ah Musharax Madaxweyne Cumar C/qaadir Fiqi ayaa sheegay in shaqaaqadii dhacday Jimcihii aynu soo dhaafnay aanay ahayn mid sax ah, isagoona sheegay in falkaasi uu yahay mid rajo ku soo korortay dalka.

“Waxaan rabnaa inaan caddeyno wadada kaliya oo furan ee ay tahay in dalku uga gudbo caqabadda hadda taagan in doorasho la’aado oo si xor ah u dhacdo, wadahadal iyo inay doorashada inay dhacdo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Fiqi oo ka digay in waqti lagu lumiyo hannaanka doorasho dalka ka dhacda oo degdeg ah.

Hadalka kudladda ayaa ku soo beegmaya xilli muddo bil gudaheed uu qabsoomi waayay kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka oo dhex mari lahaa madax ka tirsan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.