DEGDEG: Vafori oo kala dirtay shaqaalo ka howlgelayay garoonka diyaaradaha Muqdisho

1079

Shirkadda caalamiga ah ee laga leeyahay dalka Turkiga oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa saakay kala dirtay shaqaalihii halkaasi ka howlgelayay.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca dhex maray shaqaalaha Soomaalida iyo shirkadda Vafori uu ku yimid xilli saakay amar ka soo baxay shirkadaasi ay canshuur kordhin ku sameysay rakaabka iyo badeecadaha halkaasi ka dega.

Guud ahaan shaqaalihii halkaasi ka howlgelayay ayaa la kala diray, xilli dhowaan dowladda federaalka ay ku dhawaaqday inay dib u fasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in qaadka Mirowga dalka Kenya oo ka soo deji jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isna lagu kordhiyay canshuurtii ugu badneyd.

Wixii warar ah ee ku soo kordha la soco wararkeena dambe