Mucaaradka Yemen oo shaaciyay inay wadahadallo u galaan hal Arrin

1105

Sarkaal sare oo ka tirsan fallaagada Yemen, ayaa wareysi uu siiyay BBC-da waxa uu ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallo toos ah oo ay lagalaan xulufada Sucuudiga si loo afjaro dagaalka shanta sanno ka socda dalkaas.

“Waxaa diyaar u nahay wadahadallo aan la galno waddamada dagaalka ku jira, si loo afjaro dagaalka ka socda Yemen shanta sanno” ayuu yiri Maxamed Cali Al-Xuuthi oo xubin sare oo ka tirsan fallaagada Yemen ka dagaallamaysa.

Waxa uu sheegay in ay xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah waddamada ay dagaallamayaan, laakin ma shaacin waddan ka mid ah kuwaas.

aa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Riyaadh oo ku aadan warka ka soo baxay.

Yemen dagaallo ayaa ka socday tan iyo sannadkii 2014-kii, kaddib markii mucaaradka Yemen ay la wareegeen inta badan waddanka oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Dagaalka ayaa ka sii daray sannadkii 2015-kii markaas oo Sucuudiga iyo waddamo kale ay duulan ku qaadeen dalkaas ku yaalla gacanka Carbeed si loo soo celiyo dowladda sharciga ee hadda fadhida Cadan.