Go’aano ka soo baxay guddigii loo xilsaaray isticmaalka shilinka Soomaaliga Puntland

972

Guddiga Puntland u saartay ka soo talabixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay ku taliyeen si xal loogu raadiyo Qaadashada Shillinka Soomaaaliga.

Go’aanada guddiga oo ka kooban 7 qodob ayay sheegeen inuu sahli karo lacagta Shillin Soomaaliga ah in si caadi ah looga isticmaalo degaannada Puntland iyo waliba inay meesha ka baxdo cabashada Dadweynaha oo maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin xoogan ku qabay isticmaalkeeda.
Hoos Ka Akhriso Go’aamada ay soo saareen Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland.
1.In la socodsiiyo shilling Soomaaliga, go’aamada waxaa iska kaashanaya dowladda, ganacsatada iyo bulshada.
2. in Bangiga lagu xereeyo lacagta shillinga Soomaaliga ee ku badan suuqa dowladda ayaa bar xerayn doonta halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.
3. dolwadduu canshuurta dekedda Boosaaso boqolkiiba 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.
2. In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.
3. Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.
4. Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland.
5. In dowladdaha hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga.
6. In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda ayna raacaan xeerarka bangiga.
7. Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray.