MADAXWEYNE BIIXI: “Culimada waxaan u sheegayaa in cudurka uu ku dhici karo qof kasta”

1078

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal shalay Hargeysa ka soo yeereen culimada oo sheegayayay in taariikhda Islaamka horay u sii sheegtay cudurka noocaan ah inuu dhici doono.

Waxa uu sheegay madaxweyne Biixi in maamulkiisa Somaliland qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii looga hortegi lahaa isla markaana cudurka Crona Virus looga badbaadinayo inuu ku faafo dhammaanba gobolada maamulkaasi ka arrimiyo.

“Culimada war ayay dirayaan oo ku saabsan in cudurka Crona Virus horay loo sii sheegay, hase yeeshee cudur ma kala lahan Muslim iyo mid aan ahayn” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo hoosta ka xariiqay in cudurkaasi uu keenayo hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay qof ku dadaasho waxyaabaha lagama maarmaanka u ah sidii uu kaga badbaadi lahaa oo ay ugu horeyso nadaafadda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inuu aqbalayo talo kasta oo khubarada caafimaadka Somaliland ka soo saaraan kahortagga khatar kasta oo cudurka Crona Virus ugu sii dhaadhacayo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dhinaca kale hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan dalalka uu ku habsanayo, iyadoo ilaa iyo hadda 110-dal sii marayaan dalalka laga ogaaday inuu ka jiro caabuqa Crona, isla markaana magaalada Muqdisho laga helay qofkii ugu horeeyay ee la xaqiijiyay inuu cudurkaasi ku dhacay.