Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga

1256

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka degay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Qoorqoor ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, isagoona uga warbixiyay xaaladda dalka meesha ay mareyso iyo horumarka ay dowladiisu gaartay tan iyo markii la yagleelay.

“Galmudug waxay ku socotaa dhabihii horumarka, waxaana taasi daliil ah in iyadoo aan shan bil jirsan gogol u dhigto dhammaanba maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Waxa uu sheegay in midnimada Galmudug ay gaartay mudada yar oo ay jirto shacabka degaanka ay dareemayaan isbedel xoogan.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdigiisa ay halkaasi ka wadaan howlo shaqo.