Madaxweyne Dani oo Garowe ka furay shir looga hadlayo arrimo xasaasi ah

1027

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa khudbad furitaan ah ka jeediyay shirka wada tashiga Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garowe, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 500-qof isla markaana ka kala socda Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka, ururrada bulshada qeybahooda kala duwan iyo marti sharaf kale.

Waxaa kale oo shirkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole ahna Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Madaxweyne Dani ayaa sheegay in shirkan looga hadlayo aayaha maamulka uu hoggaaminayo, isagoona sheegay inay ka soo baxayaan go’aano ay Puntland ku gar naqsaneyso kulana xisaabtameyso dowladda federaalka tabashooyinka ay qabto.

“Waxaan rajeynayaa in shirkaan ay ka soo baxdo dood caafimaad qabta oo dan u ah Puntland iyo Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dani oo uga mahad celiyay ka qeyb galayaasha lagu casuumay shirka Garowe ka furmay maanta kaasi oo soconaya muddo saddex maalin ah.

Madaxweyne Dani ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay dhinaca dowladda federaalka laga waayay wax heshiis ah, wuxuuna tilmaamay in shirkaan looga hadlayo arrimaha gudaha Puntland, isagoona hoosta ka xariiqay in 22-sano kaddib shirkaan lagu gorfeynayo waxyaabihii u qabsoomay Puntland.

Shirka wada tashiga ah ee ay soo abaabushay xukuumadda Puntland waa markii ugu horeysay tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay Cabdullaahi Dani oo sanadkii ugu horeeyayba dhexda u galay khilaafyo siyaasadeed iyo dhibaatooyin ka dhacay gudaha Puntland, iyadoo uu ku soo beegmay xilli Soomaaliya u diyaar garoobeyso inay ka dhacdo doorasho dadweyne.

Dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa u dhaxeeyay khilaafyo soo jireen noqday, gaar ahaan labadii xukuumadood ee ay kala hoggaaminayeen saddex dowladood ee ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaasha Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha haatan talada dalka haya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), taasi oo ay ku lug yeesheen qaar ka mid ah dowladaha shisheeye ee Soomaaliya taageera qaarkood.

Dhinaca kale shirka Garowe ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda la baxday Nabad iyo Nolol ay ku guuleysatay inay soo celiso wada shaqeyntii kala dhaxeysay maamulada K/Galbeed, Hirshabelle iyo maamulka curdanka ah ee Galmudug, halka labada maamul kale ee Puntland iyo Jubaland ku hareen mucaaradnimada xukuumadda Villa Somalia.

Maamul goboleedka Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa la filayaa in shirkani oo ah noociisa midkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka madaxweyne loo doortay Saciid Cabdullaahi Dani oo isagu dhowaan magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyay Axmed Madoobe iyo wafdi maamulkiisa ka tirsan, isla markaana yeeshay kulan ay isku baheysanayaan sidii looga hortegi lahaa galaangalka Dowladda ku leedahay degaanada ay ka arrimiyaan.

Shirka Garowe wada tashiga Puntland ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aano xal u noqon kara khilaafka dhinacooda kala dhaxeeya Dowladda, hase yeeshee maamulka Axmed Madoobe hoggaamiyo oo wararkii ugu dabeeyay ay sheegayaan inuu abaabulayo ciidamo hoos taga maamulkiisa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaxweyne Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday taliyihii degmada Dhoobley ayaa wada guluf dagaal oo uu uga hortegayo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan, iyadoo Wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Janan iyo ciidamo la socda ku dhuumaaleysanayaan gudaha xuduuda Kenya iyo Soomaaliya kaddib markii ciidamada Dowladda ay ka saareenmagaalada Balad Xaawo ee xarunta gobolka Gedo.