Magaalada Garowe oo laga soo saaray go’aanadii ugu badnaa ee ka soo baxa shirarka ka dhaca gudaha dalka (Waa maxay sababta?)

1280

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ku jaha wareertay tebinta go’aanada ka soo baxay shirka wada tashiga magaalada Garowe oo muddo 3-maalin ay isugu yimaadeen dhammaanba xubnaha ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 1800-qof ayaa madaxda ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa: Ra’iisal Wasaare hore Cumar C/rashiid, Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo isna horay madaxweyne ugu soo noqday maamul goboleedka Puntland, wufuud isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Go’aanada ka soo baxay shirkaas oo aad u dheeraa ayaa waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka mid ah, waxaana ka mid ah:

  1. In guddi loo saaro dhulka ka maqan degaanada Puntland.
  2. Boodinta waxyaabihii u qabsoomay maamulka Puntland tan iyo markii la asaasay.
  3. Bogaadinta muhiimadda ay leedahay nidaamka axsaabta badan.

4.In degaanada Puntland ay ku asaasantay 5-gobol oo ay ku cadahay dastuurkeeda iyo qodobo kale.

Dhinaca kale madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ku baaqay in magaalada Garowe uu gogol u dhigayo Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, wuxuuna dalabkiisa ku soo beegmaya xilli horay Madaxweynaha dowladda dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhowr goor dalab noocaan oo kale u jeediyay maamul goboleedyada.

Lama oga go’aanka madaxda ugu sareysa madaxtooyada Villa Somalia ka qaadanayaan dalabka cusub ee Saciid Dani ka soo yeeray, inkasta oo shirka Garowe ay ka qeyb galeen wufuud ka tirsan xukuumadda, kuwaasi oo iyagu 24-kii saac ee la soo dhaafay magaalada Garowe ku yeeshay shirar gooni gooni ah.