Maxay isaga mid yihiin dalalka Soomaaliya iyo Afghanistan?

2602

Afgaanistaan, waa dal ku yaalla koonfurta Aasiya, waloow la tilmaamo in Bariga Dhexe ku yaallo. Laakin waa dal muddo dheer ay hor boodayeen kooxo diimeedyo magaca Jihaad la huwiyey, kuwaas oo waqtiyo kala duwan dalkaa ka dhex muuqday.

Afgaanistaan, xagga dhaqanka waxaa la tilmaama in soomaalida meello badan kaga eg tahay sida reer guuranimada xasilooni la’aanta nolosha dadka. Taariikhda dalkaasi waxaa la tilmaamaa in dagaallo wejiyo badan leh oo qaab daran ay ka dhaceen soona laa laabtay.

Sanadihii 90-maadkii ee Qarniga tagay dalkaasi wuxuu ahaa mid kala qeybsan. Balse markii maamulkii Bush ee dagaalka ku qaaday 2001-dii kooxihii Taalibaan ee cadaabta geliyey nolosha dalkaasi, xaaladu waxeey isu badashay “Kud ka guur oo qanjo u guur”.

Mustaqabalka Afgaanistaan waxaa ku heereysan mugdi badan marka ay ka baxaan ciidamada shisheeye iyo hey’adaha gar gaarka ee qaarkood la sheego in ay gurtaan maandooriyaha ka baxa dalkaasi.

Cabsida ugu weynina waa in markale uu qarxo dagaallo sokeeyo. Afgaanistaan Soomaaliya meello badan waxba kagama duwan marka la eeggo qaab dhismeedka dadka, isu socodka, wax barashada iyo xaquuqda dumarka.

Waxaa labada dal weli hor booda kooxo diimeeyo kuwaas oo caqabado ku ah hormarka, nabadgalyada iyo degenaansho siyaasadeed oo la hello.

Sidoo kale waxaa joogo ciidamo shisheeyo oo ilaaliya amniga, malaha ila dhaqaallo oo la tilmaami karro marka laga reebo deeqaha ay siiyaan balaayadda caalamka.

Balse Soomaaliya waxaa ay leedahay dhul aan buuraley aheyn oo maro labbo iyo webbi, xoollo nool oo la dhoofiyo, shidaal iyo gaas dabiici ah iyo xeebta ugu dheer ee Afrika, kuwaas oo aan marnaba laga faa’iideeysan sababo la xirriira dalka oo yeelan 30-kii sanno ee ugu dambeeyey dowlad awood leh iyo xasilooni siyaasadeed.

WD: Ikraam Cali Kaar