Nin hubeysan oo rasaas ku furay Guri ku yaalla Muqdisho & khasaaro ka dhashay

1072

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa geeriyooday, ku dhawaad 10 kalena way dhaawacmeen, kadib markii Nin ku hubeyssnaa Qoriga AK47 uu rasaas ku furay Meel Mingiska lagu tumo oo ku taalla Degmada Warta Nabadda.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya Ninka rasaaska ku furay Xarunta Mingiska lagu tumo,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda halka warar kale ay sheegayaan in uu ahaa Shaqsi isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya,isla markaana uu baxsaday.

Aabaha dhalay Wiilka Dhalinyarada ah ee rasaasta lagu furay Goobta ku geeriyooday ayaa sheegay in Wiilkiisa oo lagu Magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi uu daawasho u tegay Guriga oo deris la ah oo ku yaalla agagaarka Masjidka xaaji Yuusuf, isla markaana meydka wiilkiisa uu Goobta ka qaatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Warta-nabadda ayaa gaaray halka uu falkaani ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay rasaastaas,sidoo kale ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Ninkii ka dambeeyay falkaas.