Nin la kulmay Trump oo laga helay cudurka Coronavirus

1391

Xoghayaha warfaafinta madaxweyne Jair Bolsonaro ee dalka Brazil, Fabio Wajngarten ayaa laga helay cudurka Coronavirus, waxaa sidaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha Brazil.

Wajngarten ayaa dhowaan Bolsanaro ku wehliyey safar uu ku tagay Mareykanka, wuxuuna bartiisa Instagram soo dhigay sawir isaga oo dhinaca taagan madaxweyne Trump.

Brazil ayaa sheegtay inay mas’uuliyiinta Mareykanka ku war-gelisay in cudurkan laga helay Wajngarten.

Fabio Wajngarten ayaa sidoo kale la casheeyey madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, gabadha Trump ee Ivanka Trump iyo seygeeda Jared Kushner.

Warkan ayaa sii kordhinaya cabsida laga qabo in Trump laga yaabo in isna cudurka uu ku dhici karo ama ku dhacay oo aan weli la ogeyn maadaama aan tijabao laga qaadin.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus, inkasta looga cabsi qabo dad uu xiriir la sameeyey.

Laba sharci-dejiye oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, oo Trump uu xiriir la sameeyey, ayaa dhowaan sheegay inay si iskood ah isku karantiilayaan kadib markii ay ka qeyb galeen shir uu sidoo kale joogay qof laga helay cudurka.

“Madaxweyne Trump lagama baarin cudurka COVID-19, sababtoo ah ma jirin xiriir waqti dheer ah oo uu la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurka qabo, mana lahan wax astaamo cudurka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham.

“Madaxweynaha caafimaadkiisa aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaana kormeer kusii wadi doona dhaqtarkiisa.”