Warar laga faafiyay xaaladda caafimaad ee Ex Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo la beeniyay

7714

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku sugan magaalada London ee caasimadda wadanka Ingiriiska ayaa la dhigay isbitaal kaddib markii laga helay cudurka Corona Virus, iyadoo xaaladiisa caafimaad iminka ka soo reyneyso.

Wiil uu dhalay Ex Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Xasan ayaa ka war bixiyay xaaladdda caafimaadka aabihii, isagoona sheegay in cudurka Covid-19 laga helay muddo sideed maalin kahor, hase yeeshee dhaqaatiirta ay u sheegeen inay xaaladiisu aanay darneyn.

Maxamed Nuur Cadde oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga carooday warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada, isagoona ku booriyay Soomaalida isticmaasha baraha Internet-ka inay la xiriiraan ehelada rug cadaa Nuur Cadde si ay ula socdaan xaqiiqda xaaladiisa caafimaad halka ay mareyso.

“Anigoo uga mahad celinaya Soomaalida sida ay uga welweleen xaaladda caafimaadka Nuur Cadde, waxaan ka xumahay in baraha bulshada lagu faafiyo warar marin habaabin ah” ayuu yiri Maxamed Nuur Cadde.

Waxaa kale oo uu sheegay Maxamed Nuur Xasan in aabihii uu horay u qabay cudurka Macaanka ama sokorowga, isla markaana inta aanu cudurka Corona Virus ku dhicin laga hayay sinta, isagoona ballanqaaday in shacabka Soomaaliyeed aanay welwelin oo ay is dejiyaan, wixii akhbaar ahna lagala xiriiro dhammaanba qoyska iyo eheladiisa.