Wareega labaad ee doorashada dalka Poland oo loo gudbay.

1451

Wareeg labaad ayaa loo baahday doorashada kasoconayso dalka Poland kadib markii lagu kala bixi waayay wareegii koowaad ee doorashada.

Madaxwaynaha haya talada dalkaasi ee Andrzej Duda, oo loo saadaaalinayay doorashada ayaana wareegii koowaax ka helin codad ku filan.

Haddii uu Mr Duda laxaqiijiyo in uu soo baxo waxa uu wajihi doonaa duqii hore ee magaalada caasimada ah ee Warsaw.

Codadka haatan latiriyay madaxwaynaha haya talada dalkaasi wuxuu ka helay 42% halka hogaamiyaha mucaaradkana uu helay 30%.