Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

1049

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin, Codeynta Hindise Sharciyeedka Mihanadlayaasha Caafimaadka iyo Akhrinta labaad Hindise Sharciyeedka qareemadda Soomaaliyeed.

Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan fadhiga Maanta ee Golaha 9:00 subaxnimo,isla markaana loogu baaqay inay waqtiga ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay siweyn uga doodeen,isla markaana ay ansixiyeen Afar Xeer oo la xiriiray arrimaha doorashooyinka,kuwaas oo kala ahaa, Xeerarka matalaada Gobolka, Banaadir, Qoondada Haweenka, degaameynta kuraasta Gobolada Waqooyi iyo Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka.