Beesha Muddulood oo shirkii ugu weynaa ku yeelatay Muqdisho

1334

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne ay uga tashaneyso aayaheeda, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka, odayaasha dhaanka, siyaasiyiin isugu jirta kuwo horay xilal uga soo qabtay dalka, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirka wada tashiga beel weynta Mudulood oo ka furmay xarunta mowlaca Sheekh Macallin Nuur daqiiqado kahor ayaa ajandayaashiisa waxaa ka mid ah dhowr qodob oo ay ugu horeeyaan in la xoreeyo degaanada beesha ee cadowgu heysto, in Muqdisho loo sameeyo maqaam lana dhiso maamulka Banaadir State.

Waxaa socota khudbadaha ay jeedinayaan mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galeysa, iyadoo furitaan kaddib halkaasi khudbadii ugu horeysay ka jeediyay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) si weyn u bogaadiyay shirweynaha isla markaana uga mahad celiyay dhammaanba intii soo qabanqaabisay.

Dhinaca kale goobta uu shirka ka dhacayo oo ammaankeeda si weyn loo adkeeyay ayaa waxaa ku sii qulqulaya ergooyin ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.