Cabdinuur: “Muqdisho waxaa ka jirta warbaahin xargo goosatay oo shisheeyaha la safata”

1410

Agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada dowlada Federaalka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu daahfurayay dhaqangelinta xeerka warbaahinta iyo furitaanka xafiiska xiriirka dowladda waxaa uu ku sheegay in Muqdisho ay ka jirto xoriyad xargo goosatay oo ay haystaan warbaahintu .

Wuxuu sheegay in warbaahinta qaarkood ay la safteen wadamo shisheeyo oo uu carabka ku dhuftay wadanka Kenya oo kiisas kala dhexeeyo dowladda Somaliya.

“Magaalada Muqdisho waxaa ka jira xoriyad aan ku tilmaami karno annaga dowladnimo ahaan xoriyad xargo goosatay oo marar qaarkood taabanaya jiritaanka ummadan wax ka sheegi kara oo danta qaranka ka hor imaan kara oo xataa shisheeye la soo safan kara sida kiisaska ka dhexeeya dowladda Somaliya iyo dowladda deriska aynu nahay ee Kenya ka dhaxeeya, warbaahin Somaliyeed oo Kenya la safatay.

Agaasimaha oo ka hadlaya habka looga hortegi karo laguna xakamayn karo Xoriyad uu sheegay inay xargo goosatay waxaa carabka ku adkeeyay in dhaqangeliyo oo laga shaqaysiiyo xeerka warbaahinta ee Madaxweynuhu saxiixay.

 

Dhinaca kale, Agaasimuhu wuxuu sheegay in xoriyad warbaahineed ayan ka jirin meelaha. ka baxsan Magaaladda Muqdisho, waxaa uu sheegay in warbaahinta gobolada ka shaqays cunaha lagu dhagan yahay oo aysan xoriyad Haysan.

” Wariyaha Jooga Garoowe, Baydhabo, Kismaayo iyo Hargaysa inaysan wax xoriyad haysan oo xataa aysan qori karin wax yar oo fudud, annagu dowlad ahaan intaas oo jeer ayaanu ka hadalnay, anniga laftigayga ayaa ka qayb qaatay falal dhacay oo Askarta koofiyad casta la hadlay in wariyaashu cadaalad helaan, Waxyaabaha muqdisho ka baxsan ee Dowladda Goboleedyadu ku dhaqmayaan waa arrin u baahan in wixii hadda ka dambeeya sharciga tixgaliyaan oo ah sharci ay sameeyaan Hay’ada Federaalka”

Munaasabada loo qabtay dhaqangelinta xeerka warbaahinta Somaliyeed ayaa waxaa maanta waxaa ka qaybgalay oo hadalo ka jeediyay Sii hayaha xilka Ra’isul Wasaaraha Federaalka Mahd i Guuleed, wasiirka warfaafinta Maareeye, Agaasimahaa warbaahinta Dowladda, qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah ururada saxaafada.