Kenya oo ku dhowaaqday in la baajiyey kulankii Farmaajo, Uhuru iyo Abiy

1265

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa ku dhawaaqday in la baajiyay shirkii lagu waday inay magaalada Nairobi ku yeeshaan hogaamiyayaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shirka Uhuru Kenyatta, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Ahmed uu qorshuhu ahaa inuu Nairobi ka dhaco 16-ka March, balse duruufo lama filaan ah ay baajiyeen.

Wasaaradda ma aysan shaacin waxa ay yihiin duruufahaas, hase yeeshee Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday inay mamnuucday dhammaan dhacdooyinka waa weyn ee bulshada ay isugu yimaadaan kadib markii dalkaas laga xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo lagu arko Bariga Afrika.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiiska laga helay haweeneyn Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Mareykanka oo 27 jir ah.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in shirka saddex geesoodka ah la qaban doono waqti kale, balse ma aysan shaacin.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa in xal looga gaaro xiisadda Kenya iyo Soomaaliya ee ka taagan xuduudda gobolka Gedo, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo fariisin ka dhigtay magaalada Mandhera.