Dhageyso Liibaan imaam indhabuur oo beesha mudullood ugu baaqay iney dib u duubaan imaamkoodii xamar

2927

Liibaan imaam maxamad axmad (indhabuur) oo ah wiil uu dhalay imaamkii abgaal ee xamar saldhigiisuna ahaa degmada shangaani ayaa ugu baaqay beesha mudulood iney soo ceshadaan duubkii imaamkii xamar oo qarniyo kasoo talinaayay degaanka banaadir

Liibaan oo shir jaraa id warbaahinta muqdisho ugu qabtay qadka telefoonka isagoo jooga dalka mareykanka ayaa intaa ku daray inuu isagu yahay dhaxal sugaha duubka imaamka xamar

Wuxuu sheegay in wax badani ka khaldameen dhinaca dhaqanka beesha markii ey dhinteen imaam maxamuud imaam cumar oo ahaa imaamkii abgaal ee waqooyi iyo imaam maxamad axmad( indhabuur) oo ahaa imaamkii abgaal ee xamar inmudo ahna aan kaalintoodii la buuxin

Liibaan imaam ayaa ugu baaqay wax garadka beesha mudulood in shirkooda ka dhacaya muqdisho 13ka bishan si gaar loogu xurmeeyo beesha galmaax gaar ahaan mataan cabdulle gogoshana ey uga dambeeyaan

Wuxuu si gaar ah uga hadlay kulan dhowaan ka dhacay guriga maxamad yuusuf ee degmada shangaani oo si afduub ah wasiirka amnigu uu ku geeyay odayaal beelaha banaadiriga ah loona sheegay in xuquuqdoida gobolka banaadir ey uga dambeeyaan maxamad yuusuf oo sheegta magac imaamnimo sida uu hadalka udhigay.