Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

1003

Qaraxa oo aad u culus ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay inta badan degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana la sheegay in uu yahay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ku leeyihiin Isgoyska Sayidka

Qiic iyo Uuro ayaa muddo daqiiqado ah cirka isku shareeray, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxa.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay inuu jiro qasaarooyin kala duwan oo soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay.

La soco wararkeena dambe iyo faahfaahinta qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.