Taariikhda Shariif Sheekh Axmed oo lumiyay xasaanadii madaxweynenimo

2123

Waa la aamusay, waa la xishooday, indhahaa la dabooshay laakiin hadda bess, bess, bess waad ka darteen, xuduudkii dulqaadka ayaa ka gudubteen. Waa in wasaqda dhex taala Mudulood laga nadiifiyaa.

Idinka ma ogi, laakiin aniga waxaan isweydiyaa ninkaan sawirka ka muuqdo, shalay Alaha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb ayaa Joohar ka soo raacdeeyay, goortuu Xamar soo galay Dugsi Quraan Sisi ku yaalay ayuu Macalin ka noqday.

Ka dib taariiqdiisa Maxaakiim waad ka wada dharagsan tihiin, ilaa uu MW ay beesha Caalamka ka dhigtay si loo burburiyo Urur Dimeedkii uu la lahaa Saxiibkiis Xasan Daahir Aweys.

Weligiis kama uusan hadlin ardaydii ay Maxakiimta si qasab ah ugu daadguraysay Degmooyinkii Daynuunay iyo Maxaas oo halkaas ciidamadii Etobiyaanka oo garab siinaysay Xukuumadii Cali.M.Gedi ku casuuqayn.

Ardaydaas la xasuuqay waalidiintooda looma sheegin dhimashadooda. Alla yaa Raxma.

Waxay Soomaalida ku xasuusataa wagaasi uu maxakiimta madax ka ahaa: “Dadka iyagaa inoo yeertay” Buurhakaba, Joohar, Baidhabo.

“Anaga ma aadeen, lakiin dadka deegaanka ayaa inoo yeertay”.Ka hadli maayo Garoowe one, Garoowe two iyo Gaalkacyo uu saxiixay Dastuur oo uu aqrin iyo heshiisyo uu fahmin.

Arinta Badda ku dheran maayo oo dhegihiina ayaad ku maqasheen ” Aniga waxba kama ogayn lamana socon, iyagaa saxiixayn (cumar Cadirashiid iyo Cadiraxmaan Cabdi) hedee wax fiican ama wax xunba kasoo baxan iyaga ayaa mas’uuliyada leh.
Waa nin aan weligiis shaqaysan, goortuu macalinka ka ahaa dugsiga Sisi, waxaa caawini jiray nin caan ka ah Xamar oo markaa mas’uul sare ka ahaa Shirkadda Xawaaladda Barakaad.

Markasto wuxuu umadda ugu shekeeya aniga Hal guri Xamar kuma lihi, oo ula jeedo intaa MW ahaa hal dollar ma xadin.

Isma laha, ismana qadaan karto Xildhibaan ma ihi, Saneeter ma ihi, ganacsate ma ihi haddana ma shaqeeyo laakiin nol heer sare ayaan ku noolahay, safara dhowr ah ayaan sanadkii galaa, Guri weyn ayaan degenahay oo staff i ilaaliyo ayaa ii joogo, haddana hanti ma lihi.

Bal aqristow adiga isweydii, hadii wuxuu sheegayo ninkaan ay kula quman yihiin.

Ka gudub: Qaabab badan ayaa jira si layskaaga leexiyo in indhaha dadka ay kuugu soo jeestaan, waa mid shaqsiyaad kale oo aamin ku qabtid kuu dhaw ayaa la maalgeliya lalana shirkooda, Sheer baa shirkadaha lala galaa sida ay sameeyaan badi siyaasiyiinta Dowladda ka mid noqdeen ee hantida Qaranka soo dhacay, toboneeyo ayaan idiin soo magacaabi karaa.

Emiraadka ama Qatar ayaa account laga furtaa oo halkaasi lacagta lasoo boobo lagu kaydsadaa.

Bal halkaas ha inoogu ekaato.

Xaaqinka aad aragtaan waa kii lagu nadiifin lahaa Wasaqda dhex taalo Mudulood.

Waxaan ku kordhinayaa qoraalkaan :
Ninka xaqdarrada ugu hiilinayo boobka iyo xatooyada xoolaha Qaranka kan qabiilkiisa ama jufadiisa ama saxiibtanimo ama rajo oo ka qabo in berri u soo baahan karo waa mid asaga ku eg oo aan marna itaabayn.

Midda aan ku leeyahay waa fiiri saboonimada ay ku nool yihiin iyo deegaanada primitivega ah oo aysan haysan wax lagu tilmaami karo nolol bini aadam, Miduloodka ayaa dad ahaan Soomaalida ugu dambeeyo waana kuwaan kuwa ka macaamisho.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn.