Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saaka la xiray (Faahfaahin)

1253

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale waxa ay xireen, isgoysyadda ugu muhiimsan Muqdisho.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa goobaha xiran ku jaray Gawaarida Dagaalka, Dhagaxaan iyo Biro.

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ayaa Saaka isku badalay kuwo haawanaya, waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkaya Shacab fara badan oo lugeynaya.

Dhinaca kale duhurnimadii maanta waxaa magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Maxamed Islam (Madoobe), waxaana halkaasi ku soo dhoweey guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar (Filish) iyo xubno ka tirsan golayaasha DFS.

Dadka degan magaalada Muqdisho oo markoodii horeba qaati ka taagnaa waddooyinka xiran ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay saameynta ay arrintan ku yeelatay.

Shacabka ayaa su’aalo iska weydiiyay sababta keeneysa in wafdiga maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland loo xiro waddooyinka waxa ay uga duwan yihiin maamullada KGS, Hirshabelle iyo Galmudug oo madaxweynayaashoodu dhowaan yimid magaalada Muqdisho.